Gawaarida iswada waxay horey u bedeleen, ayna beddeli doonaan safaradeena maalinlaha ah, waana sii wadi doonaan inay sameeyaan isbeddelkan. Taas oo aad noo caawinayso, Waaxda Gaadiidka ee Minnesota (Minnesota Department of Transportation) waxay qorsheynaysaa tignoolajiyadan mustaqbalka iyada oo loo marayo barnaamijkeeda gawaarida isku xiran ee iswada (Connected and Automated Vehicles - CAV), oo ah magac kale oo loo adeegsado gawaarida iswada.
Minnesota waa hormuud qaran oo ku xeel dheer arrintan, ujeeddadeenuna waa inaan hubinno in shacabka Minnesota ay cod ku yeeshaan sida gobolkeenna ugu diyaargaroobayo mustaqbalka. Nagala qayb qaado adigoo ka jawaabaya sahankan gaaban oo qaadanaya siddeed daqiiqo. Jawaabahaaga sahanka waxaa loo adeegsan doonaa in lagu haggo wadahadallada iyo go'aannada la xiriira tignoolajiyada gawaarida isku xiran ee iswada guud ahaan gobolka. Waad ku mahadsan nahay!
- This survey is available in English.
- Qhov kev tshuaj ntsuam xyuas no muaj ua Lus Hmoob.
- Esta encuesta está disponible en español.
Tennessen/ Bayaanka Qarsoonnimada
Waaxda Gaadiidka ee Minnesota (MnDOT) waxay ururinaysaa xogtan si ay uga caawiso qorsheynta iyo howlgalka gawaarida isku xiran ee iswada (CAV) ee Minnesota. Xogta laga aruuriyo sahankan looma adeegsan doono ujeeddo kale oo aan ahayn mida kor ku xusan. Dhammaan xogta la ururiyo waxa lagu soo bandhigi doonaa si guud (aggregate), loomana aqoonsan doono cid gaar ah.Haddii aad bixiso macluumaad lagu garan karo adiga, ganacsigaaga, ama xiriirkaaga, xogtaasi waxa laga yaabaa in laga ilaaliyo shaacinta iyada oo la raacayo Xeerka Maaraynta Xogta Dawladda ee Minnesota (Minnesota Government Data Practices Act). Xogta la aqoonsan karo waxaa heli doona oo keliya shaqaalaha MnDOT ee sida macquulka ah ugu baahan inay helaan xogtaas si ay shaqadooda u gutaan, cidda aad si gaar ah u oggolaato inay hesho, maxkamad amartey, ama qof ama hay’ad sharci u leh inay hesho sida uu dhigayo sharci goboleed ama federaal. Ma lihid waajib kugu ah inaad ka jawaabto sahankan, mana jiraan wax cawaaqib ah oo ka dhalanaya haddii aadan ka jawaabin.
Si aad dukumeentigan ugu hesho qaab ama luqad kale, fadlan kala xiriir Janet Miller 651-366-4720 (711 ama 1-800-627-3529 ee MN Relay). Waxaad sidoo kale iimayl u diri kartaa codsigaaga ADArequest.dot@state.mn.us. Fadlan samee codsigaaga ugu yaraan laba toddobaad ka hor intaadan intaadan gaarin baahidaada dokumentiga.